Guddoomiyeyaashii DALSAN iyo RAYS oo ka Hadlay Kulan Madaxweyne
Siilaanyo u sameeyay
 
Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
ayaa caawa kulan marti qaad ah oo uu u fidiyay afartii urur
siyaasadeed ee ku hadhay tartankii Doo rashadda Goleyaasha deegaanka
waxa ka soo qeyb galay Gudoomiyeyaasha Urur siyaasadeed yadii DALSAN
Iyo RAYS Ismaaciil Aadan Cismaan Iyo Xasan Gaafaadhi, halka labadii
Urur siyaas adeed ee UMMADDA Iyo XAQSOOR aanay ka soo qeyb galin
kulankaasi marti qaadka ahaa.
Kulankaasi ka dib waxa xarunta madaxtooyadda Saxaafadda kula hadlay
Guddoomiyeyaasha DALSAN Iyo RAYS, kuwaasi oo madaxweyne Axmed
Siilaanyo uga mahad celiyay kulankaasi marti-qaadka casho-sharafta
ah ee uu u sameeyay.
Guddoomiyihii Urur siyaasadeedkII RAYS Xasan Gaafaadhi oo ugu horayn
ka hadlay kulankii ay la yeesheen madaxweynaha Somaliland wuxuu
yidhi “Annagoo ixtiraamayna cashada uu madaxweynuhu noogu yeedhay
aanu ka soo qeyb galay. Waxyaabaha laga wada hadlayayna ay ahayd
doorasho ayaa dalka ka dhacday, cidina way soo baxday, cidina kumay
guulaysan kaalmihii lagu soo baxayay. Afar urur baanu ahayn,
qaarkayo caawa halkan ayay joogaan, qaarna way maqan yihiin.”
Guddoomiyihii RAYS oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku daray
“Wixii soo baxay way soo baxeen, wixii aan soo bixina waxay u baahan
tahay in iyaga laftooda la tuso inay ka mid yihiin ummaddii iyo
mujtamacii balaadhnaa. Wax kastaaba ha jiraane’,tabashooyin badani
way jirayaan. Mar haddii doorasho dhacday oo cid loogu dhawaaqay oo
maxkamadi go’aan gaadhay horena waan u sheegnay in wixii ay
maxkamadaasi ay go’aan gaadho inaanu qaadan doono, qanaacaddu waa
meesheeda sidii baanan ku qaadanay oo aanu ku soo ajiibnay
casuumadda uu madaxweynuhu noo sameeyay.”
“Annaguna waxaanu soo jeedinay in la isla doono shacbigii reer
Somaliland. Mar walbana ay dantu ku jirto nabad-gelyadda iyo
midnimadda, waxaanu soo jeedinay in wixii doorashadaasi ay
xangaruufooyin ka tagtay in la kabo oo mid walba tabashadiisa lala
eego ayaanu madaxweyna ha u soo jeedinay. Ma lihin waanu ku qanacsan
nahay laakiin waanu qaadanay,”ayuu yidhi Xas an Gaafaadhi.
Guddoomiyihii Urur-siyaasadeedkii DALSAN Ismaaciil Aadan Cismaan oo
isaguna kulankaasi ka warbixiyay wuxuu yidhi “Aad iyo aad ayaan
madaxweynaha ugu mahad naqayaa, waxaan ugu mahad naqayaa xalay ayuu
casuumay sadexdii urur ee lagu dhawaaqay inay ku guulaysteen
doorashadii. Markaa annagana inuu gacantii labaad noo fidiyo
afartayadii urur ee lagu dhawaaqay inaanu hadhnay farxad weyn ayay
ii tahay oo waxay muujinaysaa sinaansho, xaqdhawris iyo qiimayn bay
intaba tahay. Madaxweynahana aad baanu ugu mahad naqnay mar labaadna
waanu uga mahad naqaynaa.”
“Siday doontaba ha u dhacdo oo qofku ha yidhaahdo cidaasi waa la soo
saaray ama cidaa waa la reebay, waxa weeye waxani waa xukun ILAAHAY
cid aanu soo saarina ma soo baxdo. Haddii aanu ogaan lahayn in
sadexdaas urur lagu dhawaaqi doono doorashooyinkii kama aanu qeyb
galeen,”ayuu yidhi Ismaaciil Yare.
Guddoomiyaha DALSAN waxa uu sheegay in xiligii qiimaynta gudida
diiwaan gelinta 15-kii urur lagu reebay rag qaarkood siyaasadda kaga
waayo aragsanaa isaga, waxaanu tilmaamay in sidii kuwaasi ugu
qanceen go’aankii ay iyaguna ugu qancayaan natiijadii doorashadda.
“Waanu soo gaadhay inaanu ka mid noqono ururaddii ku tartamayay
siyaasadda, markaa annaguna siday doonto ha u dhacdee nasiibkayaga
ayaa noqday inaanu hadno. Markaa waxay ahayd inaanu shuruucdii iyo
wixii xeerarkii aanu saxeexnay dhawrno iyo nabad-gelyadda,”ayuu
yidhi Ismaaciil Aadan.
Guddoomiyaha DALSAN waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyaba
doorasho madaxtooyo lagaga helay 80 cod taasi oo uu ku qancay.
Taasina ay sababtay in mar kale si aqlabiyad ah loogu soo doorto
madaxtinimada dalka.
“Annaga oo aan xisbi gaadhin wax aanu ku diidno inaanu marti qaadkan
madaxweynaha nimaa dno meesha ma qabato, waanu soo dhawaynay. Waxaan
leeyahay nin kasta oo siyaasiya dalk eenu wuxuu u baahan yahay in la
midoobo oo gacmaha la is qabsado oo nabad-gelyadda la ilaal iyo oo
hadba nidaamka inoo talinaya carabkaaga iyo hadalkaaga wixii toosin
ah aad ugu tilmaa nto,”ayuu yidhi Guddoomiyihii DALSAN.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo
kulankaasi ka dib faahfaah iyey waxa ay ka wada hadleen Madaxwaynaha
iyo labada Guddoomiye ayaa yidhi “Caawa waxa uu Madaxwaynuhu Casho
sharaf u sameeyay afartii urur ee aan nasiibka doorashada ku soo
bixin, waxa ixtiraamkaasi Madaxawaynaha awgeed yimid Xasan Gaadhaafi
(Guddoomiyaha RAYS) iyo Ismaaciil Aaden Cismaan (Guddoomiyaha DALSAN),
waxa sharaf ah in Ismaaciil iyo Xasan ay casuumada Madaxwaynaha si
sharaf ah u yimaadeen, Madaxwaynuhuna wuu u mah adnaqay labadooda
iyo cidda maqan iyo xisbiyadii xalay yimidba wuxuu ku waaniyey in
qaranka guushiisu ay tahay nabada, in la iskaashado oo nabada laga
wada shaqeeyo oo qaranimada ay nu ka wada shaqeyno ayuu Madaxwaynuhu
u soo jeediyay, iyaguna aad iyo aadbay uga mahad naqeen”
Geesta kalena waxaan kulankaasi ka soo daahirin masuuliyiinta urur
siyaasadeedyaddii UMMAD DA Iyo XAQSOOR.
Cumar Maxamed Faarax
|