“Gooni isku-taagga Somaliland waa mid ku yimid rabitaanka S hacabka
lagamana laabanayo,”Madaxweynaha Somaliland ,Axmed Max'ed Maxamuud (Siilaanyo)

Gooni-isku-taagga Somaliland waa mid ku yimid rabitaanka shacabka
mana laga laaban karo, waayo ma ahan mid lagu dhawaaqay oo keliya,
balse waa go’aan shacbi,” ayuu yiri Siilaanyo oo intaas ku daray in
...............
Hargeysa (TNN):-Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Maxamuud (Siilaanyo)
oo ka hadlayay caawa xaflad lagu xusayo 53-sano guuradii kasoo
wareegtay markii gobollada waqooyiga ee Soomaaliya ay ka xoroobeen
gumeysigii Ingiriiska oo ka dhacaysa madxtooyada Somaliland ayaa
sheegay in gooni-isku-taagga Somaliland uu ku yimid rabitaanka
shacabka oo aan laga laaban karin.
Siilaanyo ayaa hadalkiisa wuxuu jawaab u ahaa hadal uu madaxweynaha
Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyay isla xafladdan oo kale oo
xalay ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya, taasoo uu ku sheegay inay
soo dhaweynayaan midnimada Soomaaliya ayna sameynayaan tanaasul
walba oo ay taasi ku suuro-galayso.
“Gooni-isku-taagga Somaliland waa mid ku yimid rabitaanka shacabka
mana laga laaban karo, waayo ma ahan mid lagu dhawaaqay oo keliya,
balse waa go’aan shacbi,” ayuu yiri Siilaanyo oo intaas ku daray in
sidii uu gooni-isku-taaggan ku suuro-geli lahaa uu ku daaday dhiig
fara badan.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay inaysan diyaar u
ahayn inay dib ula midoobaan Soomaaliya inteeda kale, isagoo xusay
in Somaliland ay go’aan ku gaartay inay noqoto dowlad gooni ka ah
Soomaaliya ayna dhabbahaas ku socon doonaan.
“Midowgii Soomaali horay u dhexmaray waa halkiisa, balse maanta
waxaan nahay dowlad gooni u taagan, mana doonayno inaan dib ula
midowno Soomaaliya, go’aankeenuna waa sidaas,” ayuu Siilaanyo
hadalkiisa raaciyay.
Xasan Sheekh oo ka hadlayay midnimada Soomaaliya ayaa xalay yiri:
“Waxaan diyaar u nahay inaan la imaanno wax idinka dhaqa oo idinka
daweeya dhibaatada aad tirsanaysaan. Waxaan idinkana idinka
doonaynaa inaad noo dabacsanaataan oo wixii shalay dhacay sidii
aanay u soo noqon lahayn aan uga wada shaqeynno.” Hadalka
madaxweynaha Soomaaliya iyo jawaabta Siilaanyo uu bixiyay ayaa
muujinaysa in Somaliland ay weli ku adkeysanayso inaysan dib ula
midoobay Sooamaliya, halka dowladda Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto
in dib midnimadii Soomaaliya loo helo.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa khudbadiisii xalay
ku sheegay inay sii wadi doonaan wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya
iyo Somaliland, inkastoo uusan soo hadal qaadin madaxweynaha
Somaliland uu si guud mar ah uga hadlay wadahadallada u dhexeeya
maamulkiisa iyo dowladda Soomaaliya.
26-kii Juun, 1960-kii ayay ahayd markii gobollada Waqooyi ee
Soomaaliya ay xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, lagana
taagay calankii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed magaalada Hargeysa,
waxayna 01-dii Luuliyo 1960-kii la midoobeen gobolladii Koonfureed
oo xorriyadooda ka qaatay gumeysigii Talyaaniga.
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|