Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar Oo Ka Hadlay Saamaynta Bix itaanka
Midawga Yurub, Madaxweynahana Talooyin U Jeediyay
Dr. Cumar, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo kula taliyay saddex qodob oo
uu ku waajihi karo siya asadda Arrimaha Dibadda Somaliland
Hargeysa (TNN):- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda iyo
xidhiidhka caalamig ah Dr. Maxamed Ca bdillaahi Cumar, ayaa go’aanka
ay Midowga Yurub ku xidhayaan xafiiskooda Hargeysa ku tilmaa may mid
ay hoos ugu dhigayaan ahmiyadii ay siin jireen Somaliland, waxaanu
ku macneeyay tal aabo u muuqata inay horudhac u tahay qorsheyaal
cusub oo uu Midowga Yurub ku waajahayo Somaliland.
Dr. Maxamed Cabdillaahi, oo isagoo jooga magaalada Nayroobi ee
wadanka Kenya waraysi siiy ay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay
in xafiiska Midowga Yurub uu hadda xaruntiisa ka dhiganayo magaalada
Muqdisho ee dalka Somaliya halkaas oo ay doonayaan inay Somaliland-na
ka maamulaan.
Dr. Cumar, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo kula taliyay saddex qodob oo
uu ku waajihi karo siyaa sadda dibadda Somaliland. Waraysigaas oo uu
Maxamed Cabdillaahi sidoo kale xisbiyada qaran ka ugu baaqay inay
arrinta Midowga Yurub ku waajahaan midnimo, wuxuu u dhacay sidan:
Sideed u aragtaa siyaasadda cusub ee ay Midowga Yurub kaga guurayaan
xafiiskooda Hargeys a oo ay kaga tagayaan laba qof oo shaqaale ah oo
iyagana la gaynayo xafiis kale?
Waxaan u arkaa go'aanka Midawga Yurub ee la xidhiidha xafiiskoodii
Somaliland mid hoos u dhigaya ( down grading) muhimaddii ay siin
jireen Somaliland, waxaana muuqata in talaabadani ay horudhac u
tahay qorshayaal cusub oo ay leeyihiin oo ku wajahan Somaliland.
Midawga yurub wuxuu ka mid yahay deeq bixiyayaasha ugu cimriga dheer
ee Somaliland la soo shaqeeyay, xafiis muuqdana ku lahaa.
Maqnaanshiisu wuxuu muujinayaa isbedel siyaasadeed o o ka socda xagga
Midawga Yurub.
Maxaad filaysaa inay siyaasadan cusub ee Midowga Yurub keentay,
maxayse saamayn ku yeelanaysaa Somaliland?
Xafiska Midawga Yurub ee qaabilsan Somaliya wuxuu hadda xaruntiisa
ka dhiganayaa Mogadish o, waxaana muuqato in hawlihiisa Somaliland
halkaa lagu wado in laga maamulo.
Miyaad aaminsantahay inay dhaqaale xumo ku qasabtay go’aankan
midowga Yurub mise sida ay dad badani aaminsayihiin waa siyaasad ka
dhalatay muddo kordhinta guurtida oo ay beesha caalamka ee
Somaliland taageertaa ka soo horjeedsatay?
Ma qabo in ay dhaqaale yaraani kaliftay go'aankan ay qaateen, waayo
lacag badan oo shaqaal e dhimid iyo xafiis xidhid ugu badbaadaysaa ma
jirto. Go'aankii Guurtidu ee khilaafsanaa heshiis kii saddexda
xisbina inkastoo uu ka cadhaysiisay haddana ma keeni karo isbedelkan
intaa le'eg, waayo beesha caalamku intooda badan way ka boodeen
arrinka Guurtida. Go'aankan Midawga Yurub wuxuu ka turjumaysaa
qorshe iyo isbedel siyaasadeed oo cusub oo ku waajahan Somalila nd.
Waxaan u soo jeedinayaa xukuumadda iyo xisbiyada qaranku inay ku
baraarugaan isbedeladan oo aan la siyaasadayn lagana wada hawlgalo
waayo waxay yeelan karaan saamayn siyaasadeed oo baahsan.
Maxaad u soo jeedinaysaa Madaxweyne Siilaanyo oo dhinaca siyaasadda
dibadda ah maadaam a oo aad wakhti dheer ahayd wasiirka khaarajiga.?
Dhinac siyaasadda Dibadda waxaan Madaxwaynaha u soo jeedinayaa
saddex arrimood oo muh iim ah. Kaw, waa in fariimaha xukuumadda ee ku
waajahan beesha caalamku ay ka soo baxaan meel kaliya (Wasaaradda
Khaarijiga) iyagoo urursan, kana turjumaan mawqif kaliya. Hadda
wax aa soo gaadha diblomaasiyiinta caalamka fikrado kale duwan oo
iskhilaafsan oo aan soo marin wasaradda khaarijiga, kana turjumayn
Madaxwaynaha siyaasaddiisa, arrintaasi may dhici jirin barigii hore,
waxaan ku talinayaa in la joojiyo.
Labo, in xoogga la saaro Kiiniya oo ah halka beesha caalamku ka
ma'amusho Somaliland, xafiiskii Somalilandna dib loo soo celiyo.
Safiirka cusub wuxuu bilaabay hindisayaal fiican oo u baahan in la
taageero oo la dhiso.
Saddex, in Xisbul xaakimku door muuqda oo kaabaya xukuumadda ka
qaato wada shaqayn ta beesha caalamka
Source: Geeska Afrika
|