ABWAAN MAXAMED MUXUMED ILEEYE (SUWEYS)

 

dhawaanahan waxa igu badnaa su,aalo ku saabsan somaliland sideed u aragtaa iyo ma xaa ku aamusiiyey jawaabtu waxay noqonaysaa anigu waxan aaminsanahay qadiyada somaliland inay rumowdo maansadan ataan ku soo ururiyee qofkastaa siduu doonayo ha u turjinto

 

 

wixii aanu maanganayn
maqluubkaa loo badelay
maaliyad uma baahninoo
muqdisho lama doonayee
malcuumada haatan jira
maxay nalamaaganyiin
miscirirtaa lagu jiraa

*****
masbaa noogalay malkada
haddii ay miyir qabaan
mustaqbalkii ummadayada
maxay mugdiga u gasheen
mashruucii mareykankee
midnimo lagu doonayee
udubtu ay ka maagtaybay

*****
iyagu ku dulmeerayaan
riwaayad anmeelmareyn
maatadu aywada ogtahay
ayey midabaynayaan
waxaan dhuunta marikareyn
ragyohow lama muudsadee
wixii maal loo huree

*****
naftaba looga maarmaybaad
usoo makaloofsateen
idinka marimaysa oo
mayaanu kaleenehee
maaweelada aad wadaan
ordoo meelkale lataga
haddaad ku mashquulsantiin

*****
inaad maankayaga gadaan
shacbigu waa miyirqabaa
masiibaba waa tanoo
ragbaan lamaleysanine
siiraanyaa idin makali
maankaba kuma haysanoo
joogahaa maqanbaan ahee

*****
ragbaan lamarsiin kareyn
mawluhu noogu deeqayoo
mahuraan dhagaweyne iyo
maqaalkii boobe iyo
mahamed xaashaa ka mida
xasanbaa mayalka uhayoo
faysalbaan lalamari kareyn

*****
midhkuu ilka-jiir nayidhi
ayaa maanka noogu qoran
taariikh aan maydhmahayn
halgen aan lamasixi kareyn
alluhu uu marag kayahay
ayaa meesha yaal wallaal
haddii muxubadu marhore

*****
meelbaas nagatuurtayoo
markhaatina layga yahay
miyaan maanta lumikaraa
mawlahaan igayeeli karin
innaan meelxun isdhigoo
annoo maanla waaberyaa
mucaarid waxaanunahay

*****
madfaca wax kudooninoo
maskaxda ka shaqeeya oo
qalinka wax kumaamulee
haddii lagu yidhi hamarin
marinkaa waa lagulumoo
darhoraa maatada kuhoday
haddaad marmarsiiya iyo

*****
murama geli aad tidhaa
mawaxkuu meelmari karaa
cirkaad ku maqiiqantee
adaan magac iyo martabo
maandhow kula doonayee
makeeki ha,iila iman
qofaan magacaaga rabin

*****
inaad jirto maya ka xiga
sideed madal ullatagtaa
maalbaan wadaleenihiyo
macaamil idiin dhexmarey
midkaan kula diidanahay
waa halkii lixdankii lamarey
weliba magac kuugu baxay{qaldaan}

*****
adigaa wax ismoodayee
ma,adaa macno ugu fadhiya
makhool uu leeyuhuu
macalinoo adi kuu qabaa
midhbaanse usheegilaa
mooryaantani aan isqaban{raga somaliya]
somaliland waa muqadasoo

*****
hamoodin sidii horee
midnimada aad nahorwadaan
muqdishaad ku xoreynlahayd
amase mudug iyo butland
markiyo beelaha jubada
waxaan maanta doonayana
maqbuulbaad odhanlahayd
waxanse umalaynayaa
innuu malagiinu galay

*****

 

gud-xisbiga ucid ee holland
M M Eleye {Suweys}