Dahabshiil Oo ka Hirgelisay Somaliland Xarun Fulinaysa Sarrifka
Lacagaha oo Jumlad ah

Hargeysa (TNN):- Qaybta sarrifka ee shirkadda Dahabshiil Group, ayaa
markii ugu horreysay ka hirgelisay dalka Jamhuuriydda Somaliland
xarun fulinaysa adeeg cusub sarrifka lacagaha ah, gaar ahaan kuwa
qalaad ee si wayn dunida looga isticmaalo.
Xaruntan oo qaybteeda kowaad laga furay badhtamaha suuqa sarrifka
caasimadda Hargeys a, dhinaca galbeed ee huteelka Oriental-ka, waxay
dadweynuhu ka heli karaan sarrifka noocy ada kala duwan ee lacagaha
inta badan laga isticmaalo wadammada adduunka oo jumlad ah, kaas oo
aan hore uga jirin Somaliland oo ganacsatada iyo dadweynuhu u diri
jireen dibadaha, isla markaana lagu sarrifayo nidaamka caalamiga ah
ee kolba xaddiga lacaguhu ka joogaan suuqyada caalamka.
Madaxa Qaybta Sarrifka ee Dahabshiil Mr. Maxamed Saciid Cawaale oo
faahfaahin ka bixiyey xaruntan iyo adeegyada u qabanayso
macaamiishooda iyo guud ahaan bulshada Somaliland, ayaa waxa uu
yidhi; “Adeeggan sarrifka jumladda ah oo aan hore dalka uga jirin,
dadkuna ba ahi wayn u qabay, annagoo hore sarrifka lacagaha u samayn
jirnay sida lacagaha gudaha iyo kuwa cashuuraha, iyadoo ilaalinta
iyo siduu qiimo u yeelan lahaa shillinka dalka aannu kala
qaybqaadanno Baanka Dhexe, markaa annaga oo danta dalka iyo dadkaba
eegayna ayaanu soo kordhinay sarrifkan lacagaha ee jumladda ah oo
macnaheedu yahay lacago badan qalaad (ajanebi) oo isku xidhan ee aan
ahayn lacag yar yar, tusaale intii la doonaba way noqon kart aa
laakiin $10 kun dollar iyo wixii ka badan oo kale ayaa la odhan
karaa oo la doonayo in lacag kale loo beddelayo sida Sucuudi oo kale
oo laga yaabo inay noqoto dhawr iyo soddon kun oo Riyaal.
Lacagaha aannu sarrifnayno waxa weeye baahida lacageed ee dalka taal
oo dhan oo aannu ka sarrifayno xaddi kasta oo dadku doonayo.
Adeeggan oo loo fududeeyey sarriflayaasha iyo macaamiisha lacagaha
qalaad ee xaddiga badan sita cadad kasta iyo cayn kasta, waxa uu u
kala qaybsamaa laba qaybood oo kala ah; midka lacagaha jumladda
kaashka ah si toos ah la isugu beddelo iyo mid nidaamka casriga ah
ee loo yaqaan iibka lacagaha ee dhinaca tiknoolajig a (Online
Currency Sales) lagu kala iibsado iyadoo la isticmaalayo baananka.”
Waxa kale oo uu ka warramay faa’iidooyinka laga helayo xaruntan
sarrifka lacagaha jumladda ah oo uu sheegay in aanay shirkaddu u
furan si ay uga faa’iido oo keliya, balse ay ku timi baa hida dadka
iyo dalkuba u qabo, isagoo xusay in xaruntani wadayso hawlihii kale
ee sarrifka ca adiga iyo adeegyada xawaaladda oo ku lammaan sida
lacag qaadashada, qabashada iyo dirist aba.
“Sarrifkan jumladdu waxa uu soo kordhinayaa wax badan oo waxa lagaga
baxayaa dhibaato hore u taalay oo dadka, gaar ahaan sarriflayaashu
inta ay lacagta muddo dhan ururiyaan ay aa waxay u diri jireen Dubai
ama meelo kale oo adduunka ka mid ah si loogu soo sarrifo, mark aa
lacagtaa la diriyey halkeedii annaga ayaa fadhiisinay oo baahi uma
qabo qofku inuu iminka dibadda u diro, annaga ayaa iibsanayna oo
qiimihii suuqyada caalamka sida Dubai oo kale ku iibsanayna. Sidaa
darteed hawshaa dadku galayey ee lacagtu ka galaysay ee khatarta ku
ahayd lacagtooda waxa hadda u fududaysay shirkadda Dahabshiil u
sarrifaysa,” ayuu yidhi Mr. Cawaale.
Mr. Cawaale waxa uu tilmaamay in adeegga sarrifka lacagaha ee
Dahabshiil oo la kowsaday nidaamka xawaaladda ee shirkadda oo
bilaabmay sannadihii toddobaadtaneeyadii, balse qay bta sarrifka oo
si rasmi ah iskeed loogu madaxbannaaneeyey muddo toban sanno ah ka
hor ay noqotay adeegga sarrif ee ugu ballaadhan dhammaan goobaha
Soomaalidu joogto ee uu ka hirgalay sida Somaliland, Soomaaliya,
Puntland, Djibouti, Dubai iyo Ingiriiska.
“Shirkadda Dahabshiil waxay adeegsataa nidaamyada casriga ah ee
sarriflayaasha caalamku adeegsadaan ee ka jira sayladaha sarrifka
adduunka, sida qiimayaasha lacagaha ee Platform s-ka iyo shabakadaha
caanka ku ah qiimayaasha lacagaha ee isbeddelada iyo kuwa joogtada
ahba,” ayuu yidhi Madaxa Qaybta Sarrifka ee Shirkadda Dahabshiil.
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|