CEEBTA MADAARKA HARGEYSA WAA MID DUL FADHIDA MADAXWEYNHA

Wuxuu yidhi Hal yahey amba gooji amba ha goojin geela gugan
dhalaayaan kugu tiriya. Madaxwe yne iyadoo ceeb iyo wanaaga dalka ka
dhaca dhammaan dushada yahay, ayuu kani si gaar ah kuu saaran
yahay.Waxa taas u sabab ah afar arrimood:
1-Waa guddiga qandaraska oo uu u madax yahay
nin beeshaad ah.
2-Waa iyada oon tartan xalaal ah lagu bixin
ee la siiyey wiil aad
adeer u tahay oo HJ ah oo
Aad an Madoobe ah oo qoyskaaga hoose ah oo
ah nin reer Xaaji ah. Waa nin aan wax khibrad ah u laha yn dhisme
nooc kasta ha ahaadee oo aad tidhi ku barbaro.
3-Waa wasiirka cirka eega ee duulista oo isna
beeshaada ah.
4-Waa Wasiirka Madaxtooyada oo dhegta ku haysta kuna tusi laha halka
qalad ku jiro oo isna bees haada ah.
Haddaba Madaxweyne waxa ummaddu la yaabtay maqaska laguu dhiibay eed
dhoola caddeynta lagugu bartay ku furtay, haddana la yidhi lamaba
eegin inay dayuuraduhu soo fadhiisan karaan. Weli maan maqlay
mashruuc la furo isagoon inspection lagu samayn,
iska daa madaar
dhan oo nafta aadmigu marti u tahay.
Waxa iyana soo baxaysa
hadal uu qirtay Wasiirka cirka eega, oo uu
yidhi hal iinchna kumaanu ko rdhin dhabbada dayuuraduhu fadhiistaan
(Runway), lamana filaayo inay fadhiistaan
dayuuradah a waaweyne.
Maanta waxa lagaga fadhiya inaad is baraxdo ood
hantidhowr u dirto
baadha soona xaqiijiya ha lka lacagti martay
iyo sida loogu
tagrifalay. Waxa iyana waajib saaran yahay
Guddiga magac u yaalka ah ee
Dhaqaalaha ee Wakiiladu inay ka hadlaan una diraan baadhis
dastuurka ayaa u ban eeyey taas. Iyaga waxba odhan maayo
Guddiga
La-dagaalanka Musuqa oo waa ma dhaafsiisana magac iska laftiisu been
ah.
Bal beeshan hawsha isku kaliyeysay iyagy tolow
ma laga heli kara nin
soo labeeya Xildhibaan Re yte oo ah halyeel wadani ah
taariikhdana
lagu xusi doono. Waxa isna meelo dabadda ah ka hadla walow uu
baryahan amuusay oo xeerkii Garadag lagu aamusiiyey
Xildhibaan
Maxamed Cali.Kolay waa beel ballaadhan oo
intooda badani wxa meesha ka socda wey
ka xun yihiin weyse aamusan yihiin. Taasna laga wacan.
Hadday
hadlaan waxa yaraan doonta dadka sida qaldan beesha u weerara,
waxaana la heli buls ho isku duuban oo qaladka iska qabata.
Madaxweyne waan kuu duceeya, maanta waxaan kugu duceynaya inaad
raggan aad beel ahaan xilka ugu dhiibtay inaad la xisaabtanto ood
arrintan gunteeda gaadho. Alle ha ku tuso xaqqa.
Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@ymail.com
|