Baanka Barclays oo Mar kale Mudo Waqti Dheeraad ah u Ogolaaday
Shirkadda Dahabshiil inay Lacagaha ka Dirto Gudaha Wadanka
Ingiriiiska

Wadahadallo u socda Baanka Barclays iyo shirkadda Dahabshiil oo la
xidhiidha wadashaqayntoo da, ayaa mar kale madaxda Bangigu ku
go’aansadeen inay muddo bil kale ah siiyaan wadashaq aynta ka
dhaxaysa shirkadda Dahabshiil ee u fududaysa lacaga.................
London (TNN):-Baanka gaarka looga leeyahay dalka Ingiriiska ee Barclays
ayaa mar kale waqti dheeraad u ogolaaday wadashaqaynta kala dhaxaysa
shirkadda Dahabshiil, iyadoo go’aan uu hore bangigu ugu gaadhay inuu
xidhayo xisaabaadka xawaaladaha ay ka hadheen maalmo koobani.
Wadahadallo u socda Baanka Barclays iyo shirkadda Dahabshiil oo la
xidhiidha wadashaqayntoo da, ayaa mar kale madaxda Bangigu ku
go’aansadeen inay muddo bil kale ah siiyaan wada sha qaynta ka
dhaxaysa shirkadda Dahabshiil ee u fududaysa lacagaha ay ka dirto
gudaha dalka Ingiriiska.
Waxana hadaladii sii ka mid ahaa “In muddo laba bilood ah lagu xidho
xisaabaadka Bangiga ay ku leeyihiin shirkaddaha xawaaladaha lacagta,
taas oo naloo sheegay bishii May maaha mid cidnaba xal u ah. Bishii
June waxaannu waydiisanay Bangiga Barclays inuu na siiyo muddo lix
bilood oo dheraad ah si aannu u awoodno xal u helideeda, markaa waxa
nala siiyey hal bi loo ku ekayd 12 bishan August. Haseyeeshee,
maanta waxaannu helnay mar kale dib-u-dhigis ilaa dhammaadka bisha
Septembe.” Sidaa waxa yidhi Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil
Gr oup Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale oo waraysi uu la
yeeshay Agaasimaha Mac-hadka cilbaadhista Afrika (Africa Research
Institute) Mr. Edward Paice.
Maamulaha guud ee Dahabshiil waxa uu rajeeyey in wadahadalka u socda
shirkaddiisa iyo Baan ka Barclays oo muddo ka badan 15 sanno ay wada
shaqaynayeen uu ka soo baxo heshiis ay muddo dheer oo kale ku sii
wadasheeyaan, isla markaana waxa uu xusay in shirkadda Dahabs hiil oo
sharciga shaqada ka haysata dawladda Ingiriisku shaqo miisaan leh oo
lagu qadariyo ka hayso dalkaasi. Waxaannu walaac ka muujiyey
natiijada ka dhalan karta tallaabada uu qaatay Bangiga Barclays oo
saamayn xun ku yeelaysa 40% dadka Soomaalida ah oo noloshoodu ku
xi dhan tahay lacagaha dibadaha ay uga soo diraan ehaladoodu, kuwaas
oo ku xidhan kum anaan xarumood oo ka shaqeeya dhulalka Soomaalidu ku
nooshahay.
Waxaanu yidhi “Arrintani Bangiga ayey la xidhiidhaa, laakiin
dawladda Ingiriisku sharci aannu ku shaqayno ayey na siisay oo
dalkan Ingiriiska oo keliya 180 laamood ayaa nooga furan oo lacagta
laga diro. Markaa waxaannu leenahay wadahadal oo waxaannu
rajaynaynaa in heshiisku muddo dheer noo socdo, haddiibase ay
yidhaahdaan heshiiska ma sii wadayno mar walba shaqadayadu isma
beddelayso ee waanu sii wadaynaa ilaa iyo inta aannu sharciga
Ingiriiska haysanno, waayo Barclays iyo sharci dawladdu way kala
duwan yihiin, waxaanna jira bangiyo kale oo wadahadallo noo socdaana
way jiraan,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid oo waraysi ay la yeelatay
shalay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA.
Waxa kale oo uu waraysigaasi kaga dhawaajiyey dadaal dawladda
Ingiriisku xal ugu raadinayso arrintan, waxaannu yidhi, “Bangiga
Barclays waa shirkad gaar loo leeyahay oo dawladdu ma laha,
go’aankiisana wuu u madaxbannaan yahay, laakiin iminka dawladda
Ingiriiska, hay’ado caalami ah iyo cid walba oo danaysa dadka
Soomaalida arrintan way ka war haysaa, dawladda Ingiriiskuna way ka
shaqaynayaa arrintaa oo shir ay nagu martiqaaday annaga iyo shirkado
kale iyo bangiyada ayaanu isugu nimi Baanka Barclays, markaa
wadahadal wayn baa noo socd a. Mar walba annagu haddii aannu nahay
Dahabshiil waxaannu u heellanahay in dadka masaa kiinta ah ee ku nool
lacagta dibadda looga diro inay Isha Allaah sidaa joogtada ah
Dahabshiil uga helaan.”
Dhinaca kale, waxa uu sheegay in aan go’aanka Bangiga Barclays ee
joojinta wadashaqayntoo du ahayn khalad ay galeen shirkad ahaan ee ay
tahay arrin baanka u gaar ah sida ku cad qor aalka Bangigu siiyey,
waxaannu yidhi, “Waxa xusid mudan warqadda aannu ka helnay Barclays
20-kii June waxa ku qornaa, ‘Fadlan fahma in go’aankayaga ka bixida
xishdiidhkii ganacsi ee aa nnu idinla lahayn aannu ahayn khalad aad
samayseen ama lacago sharci-darro ah oo aad dirte en amaba in aannu
ramaysanahay in ganacsigiinu ku lug leeyahay hab-dhaqan dambiyo
maaliy adeed. Haseyeeshee, waa go’aan ganacsi oo aannu qaadanay
khatarta noocani leeyahay awg e ed ,In ka badan $1.2 bilyan oo doollar
ayaa loo xawillaa dhulalka Soomaalidu degto sann ad kasta, waa kala
badh dhaqaalaha dadka Soomaalida, qiyaastii $500 milyan oo doollar
ayaa san nad walba laga xawilaa Ingiriiska, laamaha shirkadda
Dahabshiil ee Ingiriiska waxaannu samay naa boqolaal kun oo
xawilaadood ah oo isku celcelintoodu tahay $200-300 kun doollar
san nadkii,” ayuu hadalkiisa raaciyey Mr. Cabdirashiid Maxamed
Siciid.
Timacade News Desk
London ,UK
|