AXMED ISMACIIL SAMATAR INAGAMUU GALABSAN SOO DHAW AYN TA INTAA LEEG
22SANO AYUU SOMALILAND DAGAAL AANU WAXBA REEBAN INAGULA JIREY
MAANTANA LAMA HAYO MEEL UU KAGA TANAASULAY MIDNIMO SOMALI LALA GALO
Dhamaan waan idin salaamay bulshwaynta reer somaliland meel kasta oo
aad daafaha dunida ka joogtaan sal aan kadib dulucda hadalkayga
hadaan u gundo daadago dhawaanahan waxa wadanka ka socday qaban qaabo
soo dhawayn ah oo ay Xukuumado hormuud ka ahayd laguna soo
dhawaynayay ninka layidhaah Axmed Ismaciil samatar.
Hadaba waxa la yaab igu noqotey Axmed Ismaciil samatar,
waa nin in
badan dagaal aanu waxba reeban inala galay ,
waa nin Maxadyada Cilmi Baadhisata ee Dunida reer
Galbeedka inaga dhigey qoraalo ku lidi ah
umada re er somaliland.Waxaan xasuusta mar uu Madaxwayne Daahir
Rayaale Kaahin ,uu safar ku
tagay Dal waynaha Ingiriiska, oo
dabadeed Barlamanka Ingriiska lagu martiqaaday.
Axmed isaga oo
maalintaa BBC da ka hadlaya , ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa
," Walaalkey Cabdi Ismaciil S amatar
baa shoolada ugu dhacay meshii uu
ka hadlayay ninkaas Madaxwaynaha sheeganaya ,oo yidhi
waxba kama
jiraan ninkaasu waxa uu sheegayo,isaga oo uula jeeda Madaxwaynihii
Wadanka. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi
"Meel baanu ka wada
nimid,waxba kama jiraan waxaa uu sheegay aa." Maantana
Axmed waxa uu
leeyahay hadalkaygu waa duuban yahay ,waana qoran yahay, oo meel aan
Som aliland kaga hor imid ma jirto.
Waxa la yaab igu noqotey oo kale, Axmed markii uu ka soo dagay
garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, waxa la waydiiyay
maxaad isaga
casishey xubin nimadii Barlamanka Somaliya, waxa uu ku jawaabay
,markaan arkey sida ay wax u wadaan ,ee ah inaan umada dhibaateysan
waxba loo qabanayn ee Soomaliya ayaan iska casiley Gudo onka
Barlamakuna. Waa ogyahay Axmed ,isaga oo maanta
Hargeysa jooga ayaan
lahayn meel uu midnimo Som ali lalagalo kaga tanaasuley, oo waxa laga
hayaa bal horta dadka aan dhagaysto oo aan wadanka indha indhee yo
Hadaba Xukuumadan u saartey
Gudida soo dhawaynta ee ilaa heer Wasiir,
waa wax lala yaabo, miyaan la odhan karin jibadeenii yarayd ee laynagu
sheegi jirey ,ayaaba wax ka jiraan
Gunaanad
Axmed muu teelo dhigan Somaliweyn
, meel kuuma hayno ayay tidhi , markaa
waxaan Xukuumada odhan lahaa,
waar umadda
Karaamada ha ka qaadina, oo
kolba nin geed uu qabsado waayay bustaha ha dul dhiganina
Cabdifataax
Jaamac Axmed
fataax83@hotmail.com
|