ILA QOSOL
Nin Dhaldhalaalku Hodey
Nin Soomaaliyeed oo iska ladnaa, ayay xaaskii ka xanuunsatay. Ninkaasi wuxu ahaan jirey, nin aad u dhawrsan oo aan maqaaxiyaha waxba ka cuni jirin ee reerkiisa ku kooban. Xanuunka haweenaydiisu wuxu ku kallifey, in uu markii ugu horreysey in muddo ah; meel aan gurigiisa ahayn u qado tago!
Haddaba, markii u go'aansaday in uu dibadda wax ka
soo cuno; ayuu xasuustay hudheel aan ka fogeyn oo
beryahaasi la furay. Hudheelkaasi oo ahaa mid si casri
ah loo dhisay oo qurux badnaa, ayuu is yidhi, " Mar
haddii aad meel tegeysid kaasaa kuu qalma oo cusub ee
soo hubi."
Intuu hudheelkii galay oo soo faraxashay ayuu meel cidhif ah oo asturan fadhistay - si aan loo arag isaga oo makhaayad wax ka cunaya oo aan loo ogaanin xaaladda reerkiisa. Markii uu cuntadii dalbaday, ayaa loo keenay; cunto aan dhandhan iyo dhashiir midna lahayn oo weliba qabow! Dabadeedna, mid ka mid inamadii shaqaalaha ahaa ayuu u yeedhay; isaga si tixgelin leh, uga codsaday in cuntada loo soo diiriyo. Inankiina si ixtiraam leh ayuu cuntadii uga qaaday oo u soo diiriyey. Markii uu is yidhi cuntadii cun, ayuu ka yaabay dhandhan xumadeeda. Yarkii ayuu mar labaad u yeedhay oo ku yidhi, " Waar bal jeex liin ah iyo shigni ii keen." Waana loo keenay - mase u dhandhamaysaa! Isaga oo cadho ka muuqato, ayuu inankii ku yidhi, " Waar ninkii makhaayadda lahaa mee? Ma waxanaad dadka iibisaan?" Inankii oo hadalka ninka dhibsaday, ayaa yidhi, "Haddii aad dooneysid ninka makhaayadda leh, orod oo u sheeg waa makhaayaddaasi ka qadaynayee!!" Ninkii oo yaabban ayaa halkii ka kacay oo yidhi, " Adeer i soo xisaabi, anigaa waallaa marka aan wax u soo doontay; meel ninkii lahaaba ka qado tagaye!" Dhaldhalaalka ha eegan Ee halka aad ku dhergeysid Iyo dhandhankaa la xushaa!
|