Nuxurka Khudbadii cisman Hindi:Cisman Hindi: “My file is
Huss ain Deyr’s File and his file is my
file. Not less and not more”.

• Kulmiyaha cadhoobey dawaladiisi caasiye, ha ii malaynin cuqaasha,
waxaan ahay UDUB-tii cusla yd. Cadkaygaan rabaa. Ma ceebaa.
•
Cadawgii Kulmiye loo wada cummadye, aniguna cadkaygaan rabaa. Ma
ceebaa.
• Raggaanu ceeshoo milix ahayn,
UDUB-tii cuslayd, calanka loo taagye,
aniguna cadkaygan rabaa. Ma ceebaa.
•
Cawil dawladii cawaansatoo, ciirsi moodaye, aniguna cadkaygaan
rabaa. Ma ceebaa.
• Ina
waran cadde la caleemo saar, cad geel baa loo cummaaday,
aniguna cadkaygaan rabbaa. Ma ceebaa.
•
Ina Sulub carrabka laalaadi, waana loo cummadiye, aniguna
cadkaygaan rabaa. Ma ceebaa.
• Hadday
dhab libaax ahaayeen, aniguna dhogortiisaan ahaa; cammuudaa
ka badan. Cadkaygaan rabaa. Ma ceebaa.
•
Cali Xoorkii Xoorkii ciilka loo qabey, dekadiisii lagu celi,
aniguna cadkaygaan rabaa. Ma ceebaa.
•
Cabdillaahi Cirrana waa ka dhiliyey toobal caarihii ee dhoorka loo
tolay, aniguna cadkaygaan rabbaa. Ma ceebaa.
•
Cabdil Fataax (Ambasador), kaan aniguu cayda baray, carshigii soo
fuulye, maxaa aniga lay celcelinayaa? Cadkaygaan rabaa. Ma ceebaa.
• Ciirtaada dhammaa Xirsaw caybtaada yaaqaane, dawlad calan leh baad
tahay; cisi iyo sharaf miidhan baa tahay. Nin ku ciilay gob ma ah.
Cadkaygaan rabaa. Ma ceebaa.
• In ay ila caloobeen canaasiirta kuu dudayaa, waagaan Kulmiye, caws
laha la muuseeyey ka ahaa, in ila coloobeen, ciddi ma kuu sheegta.
Cadkaygaan rabaa. Ma ceebaa.
• In aanu Siilaanyo caanaha wadaagi jirney ciddi ma kuu sheegtay.
Cadkaygaan rabaa. Ma ceebaa.
• In aanu wada cashayn jirney ciddi ma kuu sheegtay. Cadkaygaan
rabaa. Ma ceebaa.
• Inay na kala caydhiyeen, oo ay ila coloobeen; colkan ku
eryanayaa; cidi ma kuu sheegtay. Cadkaygaan rabbaa. Ma ceebaa.
• Haddaba aan Muuse kaa caabbiyee, cadkaygaan rabaa. Ma ceebaa.
• Golaha caamada iyo wada tashiga, ceel aan ku ridee, cadkeegaan
rabaa. Ma ceebaa.
• Siyaasi caana baan ahay iyo calool madax banaan. Ciyiga waa iigama
beryo. Cadkaygaan rabaa. Ma ceebaa.
• Ciddiyaha aan ku dagaalamee, cadkaygaan rabaa. Ma ceebaa.
• That is my file. My file is Engineer Hussein Dayr’s file. And his
file is my file. Ceebna ma ah.
• My file is every Somalilander’s file. No body wants to make a
difference in Somaliland, except the useless council of consultation
and correction.
Khudbadaa qiimaha iyo qaayaha leh ee u dhiganta
maqaalada Engineer
Hussein Dayr uu baraha Int ernet-ka ku faafiyo,
cismaan Hindi waxana
ma dhimin, waxana ma dhaafin. Waa khudba taariikhiya oo waayaha
hadeer ku salaysan iyo weliba hamiga iyo hanka dawladda Somaliland
ee loo bogey. Waxaa igu maqaala ah dadweynuhu way ka dideen.
Hasayeesha waxaa aad ula dhacay Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada ,
Golaha Fulinta, iyo axsaabta qaranka, oo dhammaantood la jaanqaadaya
hanka M/weynihii la doortay ee humaaga noqday.
Waxay aad ugu riyaaqeen baa la yidhi, mar qudh afkiisa soo marin
erey dan guud ah, erey dan qar an ah,
erey dan beeleed ah,
erey dan
deegaan ah, sida maqaalada Hussayn Deyr. Hadalkiisu danih iisa oo
keliya ayuu ku seemaalay.
Gartiisuu naqsaday. Dadka been umma sheegin, sida Samaalana isma
yeelyeelayo oo dhuumasho dhabarku muuqdo lamuu shir imman. Waxaanu
ahayn muu sheegan. Warkiisu waa cad yahay, waa na laga abaalmarin.
Waxaan leeyahay hanbalyo, waad asiibtay. Akhristoo,
adiguna u
sacabee, oo u qaad qawsal waraabaha,
xil doonka iyo
calaf doonka
sidii gabadha heerin ah, hoos u ooyaaya.
Ramadaan kariim.
|